Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee tubta horumarinta arrimaha bulshada.
Shirka maanta oo ay ka qeyb galeen wasaarahaha halbeegyada ku leh tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa looga hadlay horumarinta arrimaha bulshada iyo dardar gelinta fulinta qorshayaasha wasaaradaha u degsanaa in ay ku dhammaystiraan sannadkaan 2019.
Wasaaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka XFS ayaa shirka kusoo bandhigtay warbixin la xariirta heerka ay mareyso xaaladda bini’aadninimo ee ka jirta guud ahaan dalka.
Wasaaradaha qaybta ka ah tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa lagu war-geliyay in la billaabayo isla xisaabtanka lagu daba gelayo wixii wasaaradaha uga qabsoomay halbeegyada sannadkaan u qorsheesnaa ee ay ballan qaadeen fulintooda.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa dhammaan wasaaradaha ku jira tubta faray in ay dardar geliyaan fulinta qorshayaasha u degsanaa in ay sannadkaan ku qabtaan ee ay la saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha billaawgii sannadkaan 2019.
Khadar oo gudoomiyay Shirka Tubta Horumarinta A/Bulshada
Wasiirka Shaqada XFS oo lagu soo dhaweeyay Garowe
Garowe (SMN) – Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaa oo lagu soo dhaweeyay.
Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayay ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya iyo xubno ka socda hay’adaha dowlad-gobolleedyada dalka, waxaana garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay wasiirka shaqada, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland.
Ujeeddada socdaalka uu ku gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya magaalada Garoowe ayaa la xiriirta shir weyne socon doona muddo saddex cisho ah oo halkaa uu ka furayo wasiirka oo la xiriira horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka, waxaana uu shirkan qeyb ka yahay mashruuca ballaaran ee horumarinta dhallinyarada iyo shaqo abuurka ee loogu yeero shaqo siinta dhallinyarada ( Youth Employment Somalia ‘YES’).
Ugu horrayn, wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha , dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland,Jaamac Faarah Muuse ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashada uu magaalada Garoowe ku soo gaaray wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda federaalka Soomaaliya, Sadiiq Warfaa iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wuxuuna sheegay muddada uu socda shirka horumarinta dhallinyarada iyo shaqaaleysiinta in looga dooddi doono waxyaabihii ka hirgalay mashruuca.
Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa dhankiisa ka mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, wuxuuna tilmaamay inuu ku faraxsanyahay in xarunta Puntland lagu qabanayo shir looga hadlayo mustaqbalka shaqo abuur ee dalka .
“Dalkan waxaa looga baahanyahay waa shaqo abuur, saddexda maalin ee shirka uu socdo maskaxda ayaan shiileyna, waxaana ka fakerayna siyaasada qaran ee ku wajahan shaqo abuur ee dalkan..shaqo lama abuuri karo haddii aysan jirin xirfadii, xirfadiina way racsantahay.” ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.
Gabagabadii, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada wuxuu caddeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ka go’antahay sidii mustaqbal wanagsan loogu jiheyn lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed.
Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-14072019-1.mp3
Mareykanka oo Dadka Sharci Darada Ku Jooga Soo Qabqabanaya
Olole lagu baadi goobayo dadka magangalyo doonka ah ee sharci darrada ku jooga gudaha dalkan maraykanka ayaa laga bilaabay gobolada dalkan oo dhan Axaddii shalay.
Dagaalka Trump iyo Ilhaan oo heer cusub gaaray
Waxaa wali socota cambaareynta loo jeedinayo madaxwayne Donold Trump ka dib markii uu weerar dhanka afka ah ku qaaday 4 haween ah oo ka tirsan aqalka Kongreska Mareykanka.
Hodan Naaleeye, geeridii gilshishay quluubta dad badan
Waxaa lagu soo warramaya in Hodan Naaleeye ay dadka ay caawin jirtay in loo qodo ceelal biyaha ay ka cabaan.
Madaxweyne wiilkiisa u xushay shaqo muhiim ah
Haddii ay tahay in wiilkan uu safiir noqdo, waa in marka hore uu iska casilaa xilka xildhibaanimada.
Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-150719.mp3
Wasiirka qorsheynta oo la kulmay guddoonka G/Shacabka
Muqdisho (SMN)– Jamaal Maxamed Xasan wasiirka wasaaradda Qorsheynta XFS ayaa ka warbixiyey kulan gaar ah oo uu saacadihii la soo dhaafay xarunta Villa Hargeysa kula qaatay guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in arrimaha ay ka wada hadleen ay ugu muhiimsaneyd diyaarinta sharci hagaya hay’adaha aan dowliga aheyn, kaas oo ay wado wasaaraddiisa.
Wuxuu tilmaamay in NGO-yadu ay malaayiin Doller ku soo qaataan arrimaha Soomaaliya, islamarkaana aan la ogeyn meel ay mariyaaan Lacagahaasi..
Guddoonka BFS ayuu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan meel marinta sharcigaasi, si loola xisaabtamo hay’adahaasi.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Wasiir-Jamaal.mp3
Al-Shabaab oo xalay weerar culus ku qaaday Bariire
Bariire (SMN)– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay xalay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarka oo ahaa mid culus ayaa abaaro 8:00 fiidnimo Al-Shabaab waxa ay ku ekeeyeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Sida ay wararku sheegayaan weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo dhex maray labada dhinac.
Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalkaasi oo muddo daqiiqado ah socday la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.
Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Bariire oo qiyaas ahaan 65 KM dhinaca koonfur galbeed ka xiga Muqdisho ayaa ka mid ah deegaanada ay dhawaan la wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Yariisow oo bogaadiyey ololaha la dagaalanka burcadda
Muqdisho (SMN)– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga ayaa bogaadiyey ololaha la dagaalanka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda.
Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah moorayaan hubaysan oo horey ay ugu daba jireen, kuwaas oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deynile.
Taliska ayaa sheegay in cusbitaalka Madiina uu ku naf waayey mid ka mid ah raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, dhaawaca uu ku naf waayeyna waxa uu ka soo gaaray dagaal uu ku wajahay Laamaha Amniga.
Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda.
“Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaaka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka.
Donald Trump oo banaanka soo dhigay fikradda xun ee uu ka qabo dalal ay ka mid tahay Soomaaliya
Wuxuu Trump intaas ku daray in marka hore ay soo hagaajiyaan dalalkii ay ka yimaadeen.
Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-15072019.mp3
Al-Shabaab oo 45 cisho u qabtay Ergadii soo xulay BFS
Muqdisho (SMN)– War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa fariin culus loogu diray Ergadii soo xulay xildhibaanda BFS iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.
Bayaanka ka soo baxay Al-Shabaab oo ku qornaa luqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa looga dalbaday Ergada inay isa soo diiwan geliyaan.
Al-Shabaab ayaa Odayaasha soo doortay baarlamaanka u qabtay muddo 45 cisho oo ka bilaabaneyso maanta oo ah 15/7/2019, illaa 1/9/2019-ka.
“Waa inay iska diiwaangeliyaan maamulada wilaayaadka islaamiga ah ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya muddo 45 maalmood ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in Qof kii dhega adeega amarkaasi ay marin doonaan Shareecada Islaamka, sida ay hadalka u dhigeen.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli horay Al Shabaab ay u sheegteen dilal loo geystay qaar ka mid ahaa ergooyinkii wax ku soo doortay xildhibaanada baarlamaanka, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu toogtay gudaha dalka.
Waare oo gaaray magaalada Dhuusamareeb + Sawirro
Dhuusamareeb (SMN)– Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxwaynaha Maamulka Hir-shabeele Maxamed Cabdi Waare , ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay Wasiiru Dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya, C/llaahi Faarax Wehliye, Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxwayne Waare ayaa waxa uu sheegay inay Galmudug u yimaadeen bogaadinta howlaha uu Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ka wado Galmudug iyo xallinta colaad Beeleed dhowaan ka dhacday degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Galgaduud.
“Waxaan halkan u imi Inaan dhiirr gelinno dedaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu halkan ka wado ee lagu nabadeynayo degaannada Galmudug, Galmudug oo toosta waa Hirshabeelle oo toosta” ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa ammaanay geeddi socodka loogu jiro in la helo Galmudug cusub, taas oo uu ku tilmaamay in dhammaan Dadka halkaasi ku dhaqan ay isla Jaan qaadaan, si laysaga Garabsasdo cadowda.
Wuxuu sheegay in Hirshabeelle iyo Galmudug aysan kala maarmin, xag nololeed ,xag amni iyo xag wax wada qabsi, wuxuuna sheegay in Labada maamul ay ku nool yihiin Dad walaalo ah oo aan sinnaba ku kala go’in, loona baahan yahay in is kaashadaan.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:
HirShabelle state leader arrives in Galmudug capital
The leader of Hirshabelle regional state of Somalia, Mohamed Abdi Waare reached in Dhusamareb, the administrative capital of Galmudug state on Monday.
President Waare was welcomed at the airport by Galmudug top officials and is set to meet Somali Prime Minister, Hassan Ali Khaire who is in the town for the past weeks.
The PM is resolving the difference between Hiiran Governor, Yusuf Ahmed Hagar who turned down a letter of dismissal from President Warre office earlier but later accepted.
Khaire was set to pay a visit in Beledweyn but postponed due to his tight schedule in Galmudug state, where he is putting lots of efforts to hold the state’s elections soon.
5.0-magnitude quake hits 171 km NNW of Bereeda, Somalia: USGS
An earthquake with a magnitude of 5.0 jolted 171 km north-northwest of Bereeda, Somalia at 19:12:24 GMT Sunday, the U.S. Geological Survey said.
The epicenter, with a depth of 10 km, was initially determined to be at 13.3039 degrees north latitude and 50.449 degrees east longitude.
Mogadishu mayor lauds fight against robbery in the Somali capital.
The mayor of Mogadishu Abdirahman Omar Osman has vowed to end armed robbery incidents in the Somali capital.
Speaking during a weekly security meeting with members of the security agencies in Mogadishu on Monday, Abdirahman Omar alias Yarisow urged law enforcement agencies to coordinate with district authorities in order to deal with armed criminals that terrorize city residents.
“We will continue our operation against armed criminals in the city,” the mayor said, “We are sending a strong warning to those who violet the law.” He added.
The Governor of Banadir, Abdirahman Omar Osman thanked members of the public for their cooperating with security agencies on ensuring safety and security of the capital.
Two armed criminals were separately shot dead by the police in Karan and Abdulasis districts during operation.
Trudeau condemns hotel attack that killed 26 including Somali-Canadian journalist
In a statement issued Sunday, Prime Minister Justin Trudeau condemned an extremist attack in Somalia which killed 26, including a prominent Somali-Canadian journalist and her husband.
According to Somali officials, 43-year-old Hodan Nalayeh, a former Toronto-based journalist, and her husband Farid Jama Suleiman was staying at a hotel in the port city of Kismayo on Friday when gunmen stormed the building.
In the statement, Trudeau offered his condolences to Nalayeh’s loved ones.
“On behalf of all Canadians, I offer my deepest condolences to the family, friends, and colleagues of Hodan Nalayeh, a Somali-Canadian journalist who, together with her husband Farid, was killed in the terrorist attack in Kismayo, Somalia,” he wrote. “Our thoughts are also with those who were injured or lost loved ones.”
He continued, “Canada strongly condemns this heinous attack, and will continue working with Somalia and other international partners to address the root causes of terrorism and violent extremism.
“Together, we must create a safer, more peaceful world, where the media freedom so central to healthy democracies and strong societies can flourish.”
Somali officials said the attack began with a suicide car bomb blast before gunmen stormed the hotel.
Fifty-six people were also injured as a result of the incident.
Somalia’s al-Shabab Islamist rebels have since claimed responsibility for the attack.
Ahmed Hussein, Canada’s minister of immigration, refugees, and citizenship, expressed his grief on Twitter on Friday.
“Through her work as a journalist, Hodan highlighted the community’s positive stories and contributions in Canada. She became a voice for many,” Hussein wrote.
Nalayeh’s Integration TV program launched in 2014. During its run, she interviewed guests including former Ontario premier Kathleen Wynne.
She was also the founder of the Somali Refugees Awareness Project, a non-profit organization that advocates for Somali refugees across the world.
“Ms. Nalayeh’s work showcased positive, uplifting, and inspiring Somali stories, and was a testament to the role of the free press in broadening people’s perspectives and defending diversity and inclusion,” Trudeau wrote in the statement on Sunday.
Nalayeh’s friends and family said she will be remembered as a good mother, loving wife, dependable friend, and a storyteller.
“Everybody should try to emulate the type of life that she lived, which was follow your passion, love people and always look for the best in everyone,” said Ricardo McRae, a longtime friend of Nalayeh. “I love to see people bring their ideas to life and she was somebody that always took action, always followed through.”
Nalayeh is survived by two sons.
In a statement, Somali Journalists Syndicate confirmed another journalist Mohamed Omar Sahal, was also killed in the attack.
According to the group, Sahal is survived by his wife and four children.
“I am shocked and very saddened to learn the death of Hodan and Sahal. We lost two great journalists,” Abdalla Ahmed Mumin, the group’s secretary general said wrote in a tweet. “This is the horror we live in.”
Dhul Gariir ku dhuftay qeybo ka mid ah Puntland
Boosaaso (SMN)– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dhul Gariir saacadihii la soo dhaafay ku dhuftay deegaano ka tirsan maamulka Puntland.
Hay’adda Indho-indheysay qaab dhismeedka iyo muuqaalka dhulka ee Mareykanka ayaa sheegtay in shalay dhul-ruxan uu ka dhacay waqooyi bari ee Soomaaliya.
Sida ku xusan warbixin ka soo baxday U.S. Geological Survey, Dhul Gariirka ayaa ku dhuftay gudaha badda ku beegan tuulada Bereeda oo ka tirsan gobolka Bari.
Cabirka Dhul Gariirkaasi ayaa gaarayey 5.0, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay hay’addaasi
Sidoo kale badka goobta Dhul Gariirka laga dareemay ayey USGS shaaca ka qaadey in uu deegaankaasi u jiray 171 KM.
Ma shaacin hay’addu waxyeelada uu geystay Dhul Gariirkan oo ay xustay in la dareemay abaare fiidkii hore ee xalay.
“Waxaa uu saameeyay 10 KM oo isku wareeg ah. Jihadiisa waqooyi waxay ahayd 13.3039 degree iyo 50.449 oo Barri ah,” ayey raacisay.
Puntland illaa iyo hadda kama aysan hadlin Dhul Gariirkaasi la soo wariyey, kaas oo dhif iyo naadir ku ah geyiga Soomaaliya.