Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Canada oo war ka soo saartay geeridii Hodan Naaleeye

$
0
0

Toronto (SMN)– Ra’iisal wasaaraha Canada Justin Trudeau  ayaa si kulul u cambaareyey weerarkii xooganaa ee lagu qaaday magaalada Kismaayo ee caasimadda maamulka Jubbaland ee koonfurta Somalia, kaas oo ay ku dhinteen 26 qof oo ay ku jirto suxufiyad Soomaali-Canadian ah iyo sayigeed.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amaanka Jubbaland, Hodan Naleye oo 43 jir aheyd oo aheyd suuxufiyad deganeyd Toronto iyo ninkeeda Fariid Jaamac, waxay labaduba joogeen Hotel ku yaalla Kismaayo markii Jimcihii ay halkaasi ay xoog ku galeen rag ka tirsan Al-Shabaab, ka dibna ay geysteen qarax iyo toogasho toos ah.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha, ayaa Trudeau waxa uu tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo dadka Soomaaliyeed ee ay Hodan Naaleeye ka geeriyootay.
Sidoo kale waxaa qaraxii Kismaayo cambaareeyey wasiirka socdaalka , jinsiyaddaha iyo arrimaha qaxootiga ee Canada Axmed Huseen, isagoo ka tacsiyadeeyey dhibaatadii halkasi ka dhacday, sida laga soo xigtay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.
Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in Hodan Naaleeye ay aheyd suxufiyad soo bandhigi jirtay sheekooyinka dhinaca wanaagsan, uuna waxqabadkeeda ka muuqday Canada.
Hodan waxay sanadkii 2014-kii bilowday barnaamij Tv oo la yiraahdo “Integration TV” kaas oo ay kaga hadli jirtay baraamijyada is dhexgalka bulshada.
Waxay kaloo aheyd aasaasaha mashruuc lagu wacyigelinayo qaxootiga Soomaaliyeed, kaas oo u doodi jiray qaxootiga Soomaaliyeed ee dunida ku firirsan.


Trump wuxuu qaatay 'go'aan uu ku xumeynayo' Obama

$
0
0

Trump waxa uu warbaahinta u sheegay in uusan u arkin in heshiiska uu ahaa mid wax ku ool ah oo laga gaari karo ujeedkii laga lahaa.

Saxafiyiinta Kismaayo oo Xusay Hodan Naleye iyo Maxamed Sahal

$
0
0

Suxufiyiinta magaalada Kismaayo ayaa xusay labadaii suxufi ee ku dhintay weerarkii Jimcihii Al-Shabab ay ku qaadday hoteel ku yaalla magaalada Kismaayo.

Ethiopian Airlines oo ka shaqa billowday Puntland

$
0
0

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa maanta bilowday duulimaadyo toos ah oo ay ku aadayso magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ee Puntland.

Wararka Ciyaaraha: Algeria vs Senegal

$
0
0

Wararki ugu danbeeyay ee ciyaaraha waxaa inoo haya wariyaha VOA ee Minnesota Maxmuud Mascadde.

Qaraxyada ma waxa ay u wareegeen magaalooyinka ugu nabdoonaa?

$
0
0

Maalmihi la soo dhaafay waxay qaraxyo ka dhaceen magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuusamareeb oo ay ka mid ahaa magaalooyinka ugu nabdoon dallka Soomaaliya.

Trump oo mar kale weeraray 4 dumar ah oo ay ku jirto Ilhan Cumar

$
0
0

Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta mar kale weerar afka ah ku qaaday afar mudane oo dumar ah ka tirsan Koongareeska Mareykanka oo aanan caddaan aheyn, kuwaas oo ay ku jirto Ilhan Cumar.

Maxay guul darrada kuugu horseedda inaad guul gaadho?

$
0
0

Niyad jabka aad kala kulanto guul darrada waxay kuu horseedeysaa inaad wax wanaagsan sameeyso halka aad xumaan ka sameyn lahayd.


Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle

Beyle oo ka hadlay shirka dib u habaynta dhaqaalaha

$
0
0

Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, mudane; C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta shir guddoomiyay kulan Todobaadle ah oo looga hadlayay dib u habaynta dhaqaalaha iyo hufnaanta maaliyadda ee barnaamijka deyn cafinta SMP.
Mudane; Beyle ayaa sheegay in deyn cafin iyo horumar dhaqaalaba ay tahay mid u wada taal Ummadda Soomaaliyeed, taas oo keentay in si wada jir ah loo wada shaqeeyo.
“Deyn cafis iyo horumar dhaqaale waa mid dhammaanteen noo wada taalo, waana sababta ay muhiim noogu tahay in aan si wadajir ah u shaqeyno, runtu waxa weeye, haddaan Soomaaliya wada dhisan weyno ogaada cidkale inooma dhisi doonto, ayuu yiri Wasiir Beyle.
Dowladda Federaalka ayaa ku guda jirta dedaalladii ugu dambeeyay ee deynta looga saamixi lahaa Soomaaliya.

Muqdisho oo laga xusay afambigii fashilmay ee Turkiga

$
0
0

Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 3aad ee kasoo wareegatay afgembigii dhicisoobay ee saddex sano kahor ka dhacay Turkiga.
Inqilaabkaasi fashilmay oo dhacay 15-kii May 2016-kii kaasi oo ujeedkiisu ahaa in xilka looga tuuro xukuumadda Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa ka hortegay shacab wadankaasi oo uu khasaaro kasoo gaarey.
Madaxda Soomaaliyeed ee ka qeybgashay xafladda ayaa dadweynaha Turkiga ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen kooxaha afgembiga abaabulay, waxayna sheegeen in dowladdu adkeynayso xiriirka Ankara.
Halkan hoose ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/AAA.mp3
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 715w" sizes="(max-width: 851px) 100vw, 851px" /> https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 731w" sizes="(max-width: 870px) 100vw, 870px" /> https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Screenshot-2019... 745w" sizes="(max-width: 887px) 100vw, 887px" />

Axmed Madoobe oo qaabilay wakiilka cusub ee UN-ka.

$
0
0

Kismaayo (SMN) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa maanta qaabilay wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay, James Swan.
Dhinacyadda ayaa yeeshay  kulan gaar ah oo diiradda lagu saarey amniga, weerarkii dhowaan ee Kismaayo iyo doorashooyinka.
Axmed Madoobe oo kulanka kadib u waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in qodobadii ay kawada hadleen ay ka ahaayeen isku aragti.
Doorashadda Jubbaland ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkan, iyadda lagu eedeynayo maamulka caburinta murashaxiinta.

XFS oo balanqaad u sameysay Galmudug iyo HirShabelle

$
0
0

Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay madaxweynaha Hirshabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo maanta safar ku yimid magaalada iyo madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug ayaa looga hadlay nabadeynta iyo xasilinta colaadaha ka jira deegaannada ku xeeran degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.
Madaxweyne Maxamed Cabdi waare iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaallada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee arrimaha nabadeynta iyo dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug waxa ayna ballan qaadeen in dhankooda ay qayb xooggan ka qaadanayaan joojinta colaadaha iyo rabshadaha ka taagan Matabaan si xal waara loo gaaro, loona helo nabad waarta.
Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federalka Soomaaliya ayaa u ballan qaaday madaxweynaha Hirshabeelle iyo madaxa fulinta Galmudug in dowladdu ay labada dowlad gobaleed ku gacan siineyso dhamaynnta colaadda dhex martay dadka walalaha ah si loo xoojiyo wadajirka bulshada looga baaqsado dhiig dambe oo daata.

Theresa May oo si kulul u cambaareysay madaxweyne Trump

$
0
0

Ra'isal wasaaraha Britain ee xilka ka sii tageysa ayaa hadalka Trump uu ku weeraray haweenka ka tirsan aqalka koongreska Mareykanka ku tilmaantay mid aan marnaba la aqbali karin.

Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle


James Swan & Axmed Madoobe oo kawada hadley doorashada Jubbaland

$
0
0

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan, ayaa sheegay in loo baahan yahay in deegaannada Jubbaland ay ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah taasoo ku dhacda wakhtigii loogu talagalay.

Gabdhaha Congress-ka : Dabinka Trump yaan lagu dhicin

$
0
0

Ilhan iyo Tlaib ayaa ku celiyay baaqoodii ahaa in codka kalsoonida loo qaado Trump.

Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay G/ Hiiraan

$
0
0

Beledweyne (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa nuuaca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in lala eegtay ciidamo ka  kuwa Itoobiya, xilli ay marayeen deegaanka Halgan ee gobolkaasi.
Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyadda qaraxaasi ayaa tilmaamay inuu haleelay gaari Uuraal ah oo ay wateen ciidamadaasi.
Sidoo kale waxa ay shaaciyeen in qaraxaasi ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ugu yaraan 20 ka tirsanaa ciidamadaasi, sida ay hadalka u dhigeen.
Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi.
Inta bada Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Africa, xilliyada ay isaga kala gooshayaan gobollada dalka.

Axmed Madoobe oo cabasho u gudbiyey Qaramada Midoobay

$
0
0

Kismaayo (SMN)– Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyey in cabasho ku aadan doorashada maamulkaasi uu u gudbiyey Qaramada Midoobay.
Axmed Madoobe oo shalay kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah.
Madaxweynaha Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay isla garteen in loo madax baneeyo qabashada doorashada Jubbaland.
Bisha Augusto ee sanadkan ayaa loo ballansan yahay in doorashada lagu qabtao magaaladda xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-jubbland.mp3

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>