Wariyaasha Kunool magaalada Kismaayo ayaa isugu yimid Kulan Baroor-Diiq ah oo ay ugu duceeyeen Hodan Naaleeye iyo Maxamed Sahal Gacmo-Dheere.
Wariyaasha Magaalada Kismaayo oo u Baroor-Diiqey Wariyaashii ku Dhintey Qaraxii Kismaayo.
Labo Qof oo Ku Dhimatey Qarax Ka dhacay magaalada Muqdisho.
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdishu.
Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
Galka Baarista: Islaamka Geeska Afrika Q-3aad
Barnaamijka Galka Baarista ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay Taariikhda Islaamka ee gobolka Geeska Afrika, waana geybtii 3-aad
Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-17072019.mp3
Jubaland state forces arrest leading traditional elder in Kismayo
Jubaland state forces were reported to have detained a leading Somali traditional elder in the coastal city of Kismayo, the regional capital of Lower Jubba on Wednesday.
Suldan Mohamed Osman Yusuf known as [Kuyow] was arrested at the city’s police station with no charges, according to local residents, who spoke to Radio Shabelle over the phone.
President Ahmed Madobe has been blamed for being behind the detention of the famous clan chief in order to replace him with another elder for picking the next lawmakers.
The arrest of the elder comes as Jubaland is set to hold parliamentary and presidential elections next month despite accusations of irregularities committing by current leadership.
UN envoy arrives in Jowhar for his first visit to HirShabelle state
A delegation led by the United Nations special representatives for Somalia and the head of United Nations assistance mission in the country, James Swan has reached the city of Jowhar, the administrative capital of Hirshabelle state of Somalia.
Ambassador Swan and his delegation are expected to hold talks with Hirsballe state officials led by a regional leader, Mohamed Abdi Ware.
The United Nations Secretary-General António Guterres special representatives paid a similar visit to Garowe and Kismayo where he held talks with regional leaders on various topics including upcoming elections in Jubaland and stability in Puntland.
Former US ambassador to Djibouti and Congo was appointed by Antonio Guterres as his representatives to Somalia on May this year after Mogadishu dismissed former South African diplomat, Nicholas Haysom on persona non-gratta accusing him of interfering in domestic affairs.
Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray Jowhar + Sawirro
Jowhar (SMN)– Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James swan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle ,madaxweyne ku-xigeenka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaalia oo booqasho ku tagay caasimadda Hirshabeelle.
Wakiilka ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar Madaxda Hirshabelle iyada oo laga wada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Mr. Benjiamin.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:
مقامات الأدب مع الله عند الإمام ابن باديس
ظهرت يقظة المصلحين ورجال العلم في الجزائر، كما ظهرت طبقة من المثقفين يؤمنون بضرورة الإصلاح الديني الشامل بوصفه الأساس في بناء الدولة والعمران، فأدى ذلك إلى الحد من انتشار ادعاءات الطرق الخارجة عن الكتاب والسنة وتمَّعزل الكثير منها عن الشعب. كان اهتمام ابن باديس بالتصوف والطرق الصوفية لغاية إصلاحية ودينية وهي تنقية الدين من مظاهر […]
The post مقامات الأدب مع الله عند الإمام ابن باديس appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.
Ciidamo ka wada tirsan DF oo ku dagaalamay Sh/ Hoose
Bariire (SMN)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda oo maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa yimid, ka gadaal markii sarkaal ka tirsan Milatariga Soomaaliya uu soo qabtay askar la sheegay inay dhaceen Qaad, kadibna ay ku gacan seereen ciidamo kale, taas oo sababtay inay wada dagaalamaan ciidamadaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaaalkan ku dhintay illaa labo Askari, halka uu ku dhaawacmay sarkaalkii soo qabtay ciidamada dhaca geystay.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan iska hor imaadkaasi.
Dhinaca kale warar kuala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday ciidamadaasi, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanada Labar Lixdan iyo Bariire oo ka wada tirsan gobolkaasi.
Al-Shabaab oo dhabarka u ritay masuuliyadda qaraxaasi ayaa sheegay inay ku dileen ilaa 5 ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.
Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidnaka dowladda oo la xariira qaraxaasi.
Khadar oo shir muhiim ah ka daah-furay Muqdisho
Muqdisho (SMN)– Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.
Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo.
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha.
Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka.
Gaari rakaab ah oo lagu rasaaseeyey Sh/ Dhexe
Balcad (SMN)– Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa gaari rakaab ah oo xalay lagu rasaaseeyey agagaarka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.
Gaariga oo ahaa Hoomey ayaa la sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu marayey deegaanka Xaanshooley ee gobolkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu si xawli ah ku dhaafay bar koontarool, halka kuwa kale ay ku warramayaan in raggaasi ay aheeyeen Burcad dooneysay inay dhacaan rakaabka saarnaa gaarigaasi.
Sida la sheegay darawalka ayaa ka biyo diiday inuu istaago, iyadoona ay rasaas xoogan ku fureen kooxahaasi.
Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku dhintay illaa afar qof, iyadoona ay ku dhaawacameen labo kale, kuwaas oo ka mid ahaa dadkii saarnaa gaariga la rasaaseeyey.
Weli ma jirto cid ka hadashay dhacdadaasi, balse waxaa haatan dadkii ku dhaawacmay falkaasi lagu dabiibayaa xarumo ku yaalla degmada Balacad ee Shabeelaha Dhexe.
Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleed khasaaro geystay oo saaka ka dhacay deegaanka Caliyaale ee isla gobolkaasi.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa wxaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 2 Qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.
Maleeshiyaadka dagaalamay ayaa isku heysta lahaanshaha dhul ku yaalla deegaankaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli is hor fadhiya dhinacyadii ku dagaalamay halkaasi.
Hal milyan qof oo lagu balamiyay xero ay leeyihiin militariga Maraykanka
Afhayeen u hadlay ciidamada cirka ayaa wargeyska Washington Post u sheegay "In ay diyaar u yihiin in ay difaacaan Maraykanka iyo hantidiisa".
Muxuu sameeyay Xayawaanka dowladda Talyaaniga ka baxsaday ee taageerada weyn ka helay shacabka?
Xayawaankan ayaa taageero ballaaran ka helay dadka isticmaala baraha bulshada
Warbixin ku Saabsan Magaalada Kismaayo
Magaalada Kismayo waa magaalada sadexaad ee ugu weyn Soomaaliya, waa caasimadda gobolka Jubba Hoose, haatanna waxey xarun kumeel gaar u tahay dowlad goboleedka Jubbaland.
Dayax Madoobaad Lka laga Dareemay Soomaliland
Dad badan oo ku nool magaalada Hargeisa ayaa xalay u dareeray masaajidda si ey u duceystaan, ka dib markii uu dhacay dayax madoobaad.
Warbixin: Tacaddi kufsi oo ay barakacayaashu la kulmaan
Haweenka barakacayaasha ah ee ku nool gudaha Soomaaliya ayaa qaar badan oo ka mid ah waxay la kulaman kufsi wadareed xilliyada ay nolol maalmeedka qooyskooda la daalaa dhacayaan, waxaaana inta badan dhacda in ay baxdasadaan ragga kufsiyadaas geeysta.
In la heeso ma caafimaad ayaa ku jira?
Cilmi baaris la sameeyay ayaa muujineysa faa'iidooyinka ku jira in la heeso
Mudaharaad caddaalad loogu raadinayo gabar Soomaali ah oo ka dhacay London
Gabadha caddaaladda loo raadinayo ayaa lagu magacaabi jiray Shukri Cabdi
Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddiga Qaran ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland
Farmaajo ayaa shaaciyay magacyada guddiga qaran ee wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland