Muqdisho (SMN)– Qoraal digniin ah oo ka soo baxay Xafiiska Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed, ayaa lagu sheegay in laga billaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 18/7/2019-ka,hareeraha Waddooyinka muhiimka ah ee Gobolka Banaadir laga mamnuucay dhigista Baabuurta.
Taliska Booliska ayaa Muwaadininta G/Banaadir faray in ay feejignaan dheer ka yeeshaan goobaha ay dhiganayaan Gawaaridooda, iyadoo lagu wargelinayo in Baabuurkii meel la iska dhigo ay hay’adaha amniga la wareegi doonaan.
Wuxuu taliska Booliska Soomaaliyeed ugu baaqay Muwaaddiniinta Gobolka Banaadir in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka, iyadoo la faray Bulshadu in Baabuurkii ay ka shakiyaan ay ku war geliyaan Ciidanka amniga , iyagoo wacaya 991.
Halkan hoose ka aqriso:
DIGNIIN; Danta amniga awgeed laga Bilaabo manta taariikhdu tahay 18/07/2019 waxaa G/Banadir gaar ahaan wadooyinka halbowlaha ah laga mamnuucay dhigista baabuurta (parking). Muwadininta G/Banadir waxaa ka codsaneenaa in fejignaan dheer ka yeeshaan goobaha baabuurtooda dhigtaan. Waxaana lagu wargelinayaa in baabuurkii meel la iska dhigo ay heyadaha amniga la wareegi doonaan. Hadaba muwaadin la shaqey heyadaha amniga si aan dhammanteen u shacabka uwada badbaadino. Baabuurkii aad ka shakisid fadlan wac 991 kuna wargeli ciidanka amniga.
#Mogadishu #SPF991
Booliska Soomaaliya oo soo saaray digniin culus
"Meher baa ku dhacay gaaridaan dhawran jiray..."
Yartii aan dhaawaceedii waxbadan samay ka dhuubnaaday Meher baa ku dhacay gaaridaan dhawran jiray waayay
Shuruudo adag oo lagu xiray Musharraxiinta Jubbaland
Kismaayo (SMN)– Guddiga doorashooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta shaaciyey shuruudaha laga rabo musharraxiinta u taagan qabashada hoggaanka maamulkaasi.
Warqad ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in isdiiwaan gelinta ay ka bilaabaneyso maanta o Khamiis ah, kuna egtahay maalinta Sabtida ah oo ku beegan 20-07-2019-ka.
Lacagta isdiiwaan gelinta ayaa ah $30,000 (Soddon kun) oo dollar oo laga doonayo ragga Musharraxiinta ah, halka haweenka ay bixinayaan $15,000 (shan iyo toban kun) oo doollarka Mareykanka ah.
Halkan hoose ka akhriso:
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/10-1-232x300.jpg 232w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/10-1-696x900.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/10-1-325x420.jpg 325w" sizes="(max-width: 742px) 100vw, 742px" />
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/20-232x300.jpg 232w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/20-696x900.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/20-325x420.jpg 325w" sizes="(max-width: 742px) 100vw, 742px" />https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/30-1-212x300.jpg 212w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/30-1-297x420.jpg 297w" sizes="(max-width: 678px) 100vw, 678px" />
Waare Oo Xilka Ka Qaaday Wasiirkiisii Maaliyadda
Jowhar (SMN ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka Maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha maamulkaasi Maxamed Maxamuud Cabdulle.
Digreeto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay Cabdishakuur Abuukar Xasan.
Xilka qaadista wasiir Maxamuud Cabdulle ayaa lagu sheegay in Hirshabeelle ay xillgan u baahan tahay isbeddel dhinaca Maaliyadda ah.
Halkan hoose ka akhriso:
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/waare-225x300.jpg 225w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/waare-315x420.jpg 315w" sizes="(max-width: 472px) 100vw, 472px" />
Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u Dhageysato:-
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-18072019.mp3
Waa halkee meesha aan Kismaayo ahayn ee doorashada Jubbaland lagu qaban karo?
Qaar ka mid ah Musharrixiinta ayaa sheegay in doorashada meel kale ay ku qaban doonaan.
Warbixin Bangiyada Islaamiga ah ee Jabuuti
Bangiyada ku shaqeeya nidaamka Islaamiga oo bar yahan dambe aad uga shaqeyn jiray magaalada caasimadda ah Jabuuti ayaa haatan bilaabey iney ka hawl galaan magaalooyinka iyo gobolada kale ee uu ka kooban yahay dalkaas Jabuuti.
Warbixin: Guddiga wada-hadal ee DF Soomaaliya iyo Somaliland
Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay soo saaray wareegto uu madaxweynaha ku magacaabay guddi cusub oo loogu magac daray Guddigga Dhab u heshiisiinta iyo Wada-hadalada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, oo lix xubnood ka kooban.
Arrimihii argagaxa lahaa ee la ogaaday intii ay socotay dacwaddii Guzmán
Mid kamkd ah dambiileyaasha ugu waaweyn caalamka ayaa xukun lagu riday kaddib markii ay muddo socotay dacwaddiisa
Ilhaan Cumar oo u Jawaabtay Trump iyo Taageerayaashiisa
Trump oo dhaleeceyn kala kulmay hadallo cunsuriyad ah oo uu ku weeraray afar gabdhood oo Dimiquraadi ah oo ku jira Aqalka Wakiilada ee Congrsska, inkastoo uu sii wado weerarkiisa afka.
Somaliland oo si kulul uga hadashay guddigii uu magacaabay madaxweyne Farmaajo
War kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa gaashaanka loogu daruuray magacaabistii madaxweyne Farmaajo
Rag Boosaaso Loogu Xiray Lacag ay ku Deeqday Dowladda Federalka
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in maanta duhuraddii magaalada lagu xiray sadex nin oo ka tirsan Gudiga Dhismaha wadada magaalada Bosaso.
Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Habeen-18072019.mp3
Murashaxiinta J/land oo la hordhigay shuruudo adag
Kismaayo (SMN) – Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo badhigay jadwalka diiwaan galinta Musharixiinta u tartameysa xilka Madaxwaynaha Jubbaland.
Dhanka kale guddiga ayaa soo saarey Xeerka iyo Shuruudaha looga baahayahay Musharraxiinta u tartamaya Xilka Madaxwaynaha Jubbaland.
Hoos ka Akhriso Tusmada Jadwalka Diiwaan galinta iyo shuruudaha Musharixiinta.
G/Maxkamada Sare oo la kulmay wasiirka qorsheynta
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Wasaaradda qorsheynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha ee DFS Amb; Jamaal Maxamed Xasan, Agaasimaha qorsheynta, Asad Yuusuf Qanyare iyo madax sare oo ka tirsan Wasaaradda, ayaa Maanta kulan la tashi ah oo ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka waxay Xafiiskiisa kula yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan ; Baashe Yuusuf Axmed.
Inta uu kulanka socday ayaa waxay madaxda Wasaaraddu halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la ku saabsan qorshaha horumarinta Qaranka ee 9-aad, waxyaabaha u soo qabsoomay iyo waxyaabaha qabyada ka ah oo ay la tashi kala sameynayaan, gaar ahaan ku dhaqanka sharciga, kor u qaadidda hay’adaha garsoorka iyo siddii loo heli lahaa nidaam caddaaladdeed oo dhammeystiran.
Agaasimaha qorsheynta, Asad Yuusuf Qanyare, soo jeediyey warbixintaasi, ayaa sheegay in qorshaha horumarinta Qaranka ay hore la tashiyo ugala soo sameeyeen Maamul-gobaleedyada Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isla mar ahaantaana ay soo qoreen baahiyahii kala duwanaa ee ka jiray Dalka, waxaana uu Carrabka ku dhuftay in ay qorshahaas ku soo koobeen Saddex ahmiyaddood oo kala ah ku dhaqanka sharciga iyo siyaasad loo dhan yahay, korodhka dhaqaalaha iyo amniga.
Waaxda maal-gashiga ee Wasaaradda qorsheynta, ayaa iyaguna waxay halkaasi ku soo bandhigeen warbixin la xidhiidha qorshahooda ku aadan siddii dhiirri-gelin looggu sameyn lahaa maal-gashadayaal Dalka ka hir-geliya maal-gashi kor u qaada heerka dhaqaale ee Dalka, waxaana ay Guddoomiyaha Maxkamadda la tashi kala sameeyeen siddii loo heli lahaa sharciyad iyo diyaarinta ku dhaqanka sharciga si maal-gashadayaashu ay ugu soo dhiirran karaan Dalka.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in Wasaaradda qorsheyntu ay la tashiyo kala soo sameyso qorsheyaasha horumarinta iyo maal-gashiga ee Dalka, waxaanu intaa raaciyay in qorshaha horumarinta Qaranka uu ahmiyad weyn u leeyahay bahda Garsoorka, taas oo uu tilmaamay in ay baahi weyn u qabaan sidii horumarin looggu sameyn lahaa, isaga oo halkaas ka soo jeediyey talooyin ku aaddan qorshaha horumarinta Qaranka, gaar ahaan baahiyaha kala duwan ee ay qabaan ka garsoor ahaan .
Cusmaan Barre oo la shiray qeybaha bulshadda Baledweyne
Beledweyne (SMN) – Kulankaan oo guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cusmaan Barre Maxamed uu la qaatay qaar kamid ah Odoyaasha, Siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada ee Magaaladda Beled-weyne ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlayay siddii loo Horumarin lahaa Deegaanada Hirshabbeelle, maadaamaa ay Hirshabeelle ay kamid tahay maamuladii ugu dambeyay ee la dhisay.
Kulankaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa xog waraysi uu guddoomiyaha la yeelanayay dadka deegaanka oo ku aadanaa xaalada nololeed iyo mid deegaan.
Waxaa Kulanka ka hadlay guddoomiyaha degmadda Beled-weyne Maxamed Axmad Ibraahim food cade iyo xildhibaano tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ay shegeen in kulankaan uu muhiim u yahay bulshada degaanka, maadaamaa ay ka hadlayaan xaaladooda.
Kulankaan oo muddo saacado ah socday ayaa dadkii ka hadlay waxaa ay sheegeen in xaalado kala duwan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, iyaggoo su’aalo weydiiyay guddoomiyha oo ay u badnaayeen siddii Horumar loo gaarsiin lahaa Maamulka Hirshabeelle.
Muxuu yahay masaajidka cajiibka ah ee laga helay Israa'iil?
Cilmibaareyaasha dhinaca dhulka ayaa helay masaajidkan qadiimiga ah
Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Qumanaha-__-Wararka-18072019-OK.mp3
Mareykanka oo soo riday diyaarad ay leedahay Iiraan
Donald Trump ayaa sheegay in markab “uu isdifaacay” kaddib markii lagu soo dhawaaday marinka Hormuz.
Trump - Kuma raacsani taagerayaashayda in Ilhaan la celiyo
Trump oo ka laabtay hadalkii uu horey ugu yiri Ilhaan Cumar.