Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-19072019.mp3
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle.
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Subax-19072019.mp3
Muqdisho (SMN) – Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulanka toddobaadlaha ah ee golaha.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay kulanka oo looga dooday Xeeraka marista waddooyinka iyo siyaasadda daryeelka bulshada.
Shirka Golaha ayaa sidoo kale looga hadlay amniga guud iyo xoreynta deegaannada ay Al-Shabaab uga sugan yihiin gobolada dalka.
Ciidamada xoogga ayaa mudooyinkii dambe waday howlgalo ay dib ula wareegayaan tuulooyin ay kooxdaasi gacanta ku haysay.
Hargeysa (SMN) – Maamulka Somaliland ayaa ka hor-yimid guddi uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay wada hadalada maamulkaasi iyo dowladda federaalka ah.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sidoo kale ku eedeeyay xukuumada federaalka in ay kala kulmaan cadaadis.
Sidda ku cad bayaanka, cadaadiska ayaa isugu jira dhinacyaddal; dhaqaalaha, siyaasadda iyo waliba dhanka diblumaasiyadda.
Dhanka kale, wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa Nicolás Berlanga Martínez ayaa shalay tagay Hargeysa.
Martínez iyo Biixi ayaa kawada hadlay arrimo ay kamid yihiin wada xaajoodyadda maamulkaasi iyo dowladda dhexe.
Sikastaba ha ahaatee, wada hadaladda Somaliland iyo dowlada federaalka ayaa waxay hakad ku jiraan tan iyo sanadkii 2014-kii.
Muqdisho (SMN) – Ku simaha taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa Shalay garaadda siiyay 83 xubnood oo isugu jira Dhaqaatiir iyo Kalkaaliyaal Caafimaad.
Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha caafimaad ee la siiyay darajooyinka Sarkaalnimo ayaa waxay dhowaan kusoo biireen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka, S/Guuto; Odowaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Caafimaad in ay aqoontooda wax ugu qabtaan Ciidanka.
Kusimaha Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka S/gaas; Cabdi Xasan Maxamed, ayaa kula dardaarmay Xubnaha darajada la siiyay in ay u diyaargaroobaan Shaqo adag maaddaama uu Ciidanka Xoogga Dalku ku jiro Dagaal.
Bishii December ee Sanadkii Tagay ayey ahayd markii ugu horreysey ee ay si rasmi ah u shaqo billaabeen kooxdan ka kooban Dhaqaatiitar iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka.
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka hadlay markab labaatan kun oo ari ah siday oo dekadda Berbera ka shiraacday kuna xayirnaa dekadda magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga laga soo billaabo july 11, 2019.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay dowladda Sucuudiga xariir kala sameysay markabka xoolaha siday hase yeeshee ay caddaatay in markabka loo xayiray in uusan soo buuxin heshiisyadii dhoofinta xoolaha ee ay labada dowladood horay u kala saxiixdeen.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in DFS ay Sucuudiga kala hadashay in markabkaan arrintiisa si gaar ah loo xalliyo oo aan lagu xirin heshiisyadii si loogu daneeyo ganacsatada Soomaaliyeed, hase yeeshee heshiisyadii hore ee labada dowladood wada galeen ay sidoodii ahaadaan oo la wada ilaaliyo.
Dowladda Sucuudiga ayaa kadib codsiga dowladda Soomaaliya ogolaatay in markabka ariga laga dejiyo si loogu iibiyo suuqyada xoolaha dalka Sucuudiga, waxaana caawa markabkii laga dejiyay dhammaan arigii saarnaa.
Muqdisho (SMN) – Guddiga Owqaafta, Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Aqalka Sare baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Wasaarada Awqaafta xukuumadda federaalka sida ay Xujeyda ugu fududeeyeen in ay visaha ka helaan dalka.
Shariif Sheekhunaa Maye, gudoomiyaha guddigaasi ayaa wax lagu farxo iyo talaabo taariikhi ah ku tilmaamay, isaga oo kaga mahad-celiyey mas’uuliyiinta Wasaarada dadaalka ay u galaan hirgelinta talaabadaasi.
Dhankiisa, ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa soo dhaweeyay arrintan, isaga oo xusay in ay qayb ka tahay qorshaha xukuumada ee adeegyada loogu soo dhaweynayo bulshadda Soomaaliyeed.
Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkan 2019 xaadireysa gudashada mid kamid ah tiirarka Diinta suuban ee Islaam-ka ayaa waxay tiradoodu gaareysaa in ka badan 10-kun, taasi oo ka badan tiradii sanadkii hore oo ahayd ku dhowaad Shan kun.
Qowmiyadda Sidaama ee ismaamulka goonida dalbaneyso iyo ciidamada amaanka dalka Itoobiya oo isku farasaaray magaalada Hawasa.
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka maxaa ka run wixii la sheegay?
Hoos riix si aad u dhageysato
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Bar___-Kulanka-Jimcaha-19072019.mp3
Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aanay waayin mid kamid ah diyaaradeheeda dhulka laga hago, iyadoo beenisay warka kasoo baxay Mareykanka ee sheegaya in mid kamid ah maraakiibtooda dagaalka uu marinka Hurmuz ku burburiyay diyaarad aan duuliye wadin oo Iiraan ay leedahay.
Sawirka la xaday waxaa la soo raaciyey "Cabista sigaarka wuxuu xiraa halbowlaha dhiigga"
Haya'ada Saadaasha Hawada ee Mareykanka ayaa ka digtey Kuleyl Daran oo ka jiri doon Labo Cisho qeybo badan oo ka mid Mareyknaka gaar ahaan gobolada Dhexe
Ilhaan iyo seddax haween kale oo ka tirsan Congress-ka ayuu Donald Trump ku qaaday weerar afka ah.
Gogoshii uu shabeelka ku seexday ayaa loo xafidi doonaa xasuus ahaan
Dowladda Fedraalka Soomaaliya ayaa sheegatay in wada hadal ay yeesheen iyaga iyo boqortooyada Sacuudiga ay isla ogolaadeen in xayiraada laga qaado Markab xoolo siday oo ka yimid Berbera kuna xanibnaa dekad ku taalla Sacuudiga.
Ku soo dhawaada barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka, waxa soo diyaarisay soona jeedineysa Sahra Ciidle Nuur.
Xisbullaah ayaa lagu eedeeyay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhacay Koonfurta America
Washington (SMN) – Ilhaan Cumar ayaa si cad waxay u sheegtay in uusan marnaba cabsi gelin karin madaxweynaha Mareykanka.
Donald Trump ayaa waxa uu horey hadalo cunsurinimo ugu weeraray gabadhan ka tirsan Congress-ka Mareykanka.
Ilhan ayaa mar sii horeysay waxay Trump si diiran ugu soo dhaweysay gobolka laga soo doorto ee Minnesota.
Iyadda oo la hadleysay taageeroyaasheeda waxay uga mahadnaqday garab-istaagooda, markii ay weerar kala kulantay Trump iyo xulafiisa.
Xildhibaanadan asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda ayaa wadankaasi Mareykanka waxay ku gashay qaab qaxooti ah markii ay dalka uga carartay colaad.
Muqdisho (SMN) – Wax-garad Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku baaqay in wada hadalka Somaliland ay noqdaan kuwa si qoto dheer looga baaraan-degay.
Indheer-garadkan oo ka qeybgalyey barnaamijka Maxaa ka run wixii la sheegay ee Idaacadda Shabelle ayaa ku baaqay in wada xaajoodyaddu noqdaan mirodhal.
Aqoonyahanka ayaa soo jeediyey in wada hadalada laga qeybgeliyo xubnaha Somaliland ku metala dowladda federaalka ah.
Halkan hoose ka dhageyso warka oo cod ah
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warbixin-3.mp3
Lee Hadwin, markii uu afar sano jiray wuxuu ku feegaari jiray darbiyada, isagoo hurdaya
Cilmi-baaris ayaa lagu ogaaday in barta intarneedka ee YouTube ay door muhiim ah ka qaadatay in dadka qaar ay ku qancaan in dunida aan ku dul nool nahay ay tahay mid fidsan.