Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Iiraan oo marinka Hormuz ku qabsatay laba markab oo nooca shidaalka qaada ah oo ay UK leedahay

$
0
0

Mid ka mid ah maraakiibta ayaa haatan dib ugu soo laabtay dhabihii uu ku socday, kaddib markii ay raaceen ciidammo hubaysan.


Nin Maraykan ah oo IS ka Tirsanaa oo Maxkamad La Soo Taagay

$
0
0

Nin 42 jir ah oo ka soo jeeda magaalada Brooklyn ee New York, ayaa ku soo laabtay dhulka Mareykanka, isagoo lagu eedeeyay inuu u dagaalamayay kooxda Daacish isagoo ahaa ragga meelaha qarsoon wax ka toogta ka hor intii uusan u dallicin inuu noqdo amiir

FaceApp qaabka sawirada uu u badalo ma tahay mid sax ah?

$
0
0

Waxaa su'aal la geliyay sax ahaanshaha sawirada uu badalo barnaamijka FaceApp.

Guddiga dib u heshiisiinta oo gaaray Dhuusamareeb

$
0
0

Dhuusamareeb (SMN)– Xubnaha Guddiga qabanqaabada dib u heshiisiinta Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay  gaaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Wafdiga ayaa markii ay ka degeen garoonka Ugaas Nuur waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Maamulka Gobolka Galgaduud, kan Degmada iyo qeybaha bulshada ee degmada.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug Axmed Cali Jimcaale oo la hadlay wafdiga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Guddiga, ayna ku soo dhaweynayaan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
“Xubnaha guddiga dib u heshiisiinta ku soo dhawaada caasimadda Galmudug, ku soo dhawaada shaqadii aad u socoteen, qofkasta kaalin ayuu ka qaadan doonaa, gacmo furan iyo qalbi furan ku soo dhawaada”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud.
Maxamed Maxamuud Gacmo Dheere oo ka tirsan xubnaha guddiga ayaa sheegay in u jeedka socdaalkooda ay la xiriirto sidii ay u fulin lahaayeen arrimaha dib u heshiisiinta.
“Anaga oo dooneyna mas’uuliyadda ay Xukuumadda noo magacaawday oo ah dib u heshiisiinta, waxaan diyaar u nahay inaan idinkala qeyb qaadano dhemeystirka shaqada aad wadeen, waana wada joognaa, inti tababarteena howlaha dib u heshiisiinta ayaan xoojineynaa” ayuu yiri Maxamed Gacmo dheere oo ka tirsan xubnaha Guddiga.
Guddiga ayaa waxaa horyaalla howlo badan oo ah dib u heshiisiinta, waxaana magaalada Dhuusamareeb ay marti gelineysaa shirka arrimaha dib u heshiisiinta looga hadlayo.

Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle

P/land oo qaadacday guddi ay magacawday dowladda Somalia

$
0
0

Garowe (SMN)– Maamulka Puntland ayaa ka horyimid, islamarkaana qaadacay guddigii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u magacaabay wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.
War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in hanaanka loo maray ku dhawaaqista guddigaasi uusan waafaqsaneyn Dastuurka KMG dalka.
Halkan hoose ka akhriso:
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-115-232x300.jpg 232w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-115-696x900.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-115-325x420.jpg 325w" sizes="(max-width: 742px) 100vw, 742px" />
 

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay G/ Baay

$
0
0

Baydhabo (SMN)– Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ka sameeyeen deegaanka Owdiinle ee gobolkaasi.
Guddoomiyaha deegaanka ayaa sheegay in howlgalkani lagu dilay saddex ka tirsanaa Al-Shabaab, sidoo kale lagu soo qabtay mid kale, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xubnaha la dilay ay ku sugnaayeen goob ay weerar ku qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya.
Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.
Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dadka bani'aadamka sida loo maleynayo ma ka daacad san yihiin?

$
0
0

Booorsooyinka jeebka lagu qaato ee ay dadku meelaha ku hilmamaan ayaa qeyb ka ahayd daraasadda.


Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika oo soo gaaray Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Dalka Koofur Afrika, mudane; Thabo Mbeki, ayaa saaka soo gaaray magaalada Muqdisho.
Thabo Mbeki, ayaa hoggaaminaya Guddi heer sare ah oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cabdulle kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane; Danjire Axmed Ciise Cawad, wakiilka Soomaaliya u fadhiya Xoghayaha guud ee QM, James Swan, u qaabilsanaha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira iyo madax kale.
Wafdigani ka socda Midowga Africa ayaa soo maray Nairobi halkaasi oo ay kula kula soo kulmeen Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi.
Lama shaacin weli u jeedada rasmiga ah oo uu salka ku hayo socdaalkooda, waxaana saacadaha soo socda ay la kulmi doonaan madaxda sare ee dalka.
Booqashada guddigan ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan khilaaf uu jiro u dhexeeyo dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka dhashay muranka badda ee labada dal.

Biixi “Farmaajo wuxuu nasaaray cadaadis aan hore loo arag”

$
0
0

Hargeysa (SMM)– Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa eedeyn culs u jeediyey dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).
Muuse Biixi ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo ay kala kulmeen dhibaatadii ugu darneyd 28-kii sano ee la soo dhaafay.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu dhinac walba ka cunaqabateeyay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.
Halkan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Somaliland.mp3

Somali army kills three suspected Al-Shabaab members in operation

$
0
0

Somali security forces on Friday evening killed at least three suspected al-Shabaab militants in an operation outside Baidoa town.
According to locals, the forces launched an operation to hunt down Al-Shabaab operatives in Madow village near Awdinle town of Bay region.
In brief gunfire with al-Shabaab members, the forces killed three of them.
The forces also managed to capture the other one.
Security agencies said the militants were thought be planning IED attacks in the area.
The development comes a day Somali cabinet discussed on mean to step up operations to liberate areas controlled by al-Shabaab fighters in central and south of Somalia.
The country’s Defence Ministry has pledged to implement military plans to defeat the group.
Recently, the Somali military backed by the African Union Mission in Somalia (AMISOM) has increased offensives against al-Shabaab.
Al-Shabaab which once controlled a large swath of southern was forced out of many major towns in south and central including the capital city.
The group now operates in remote areas but tries to launch deadly attacks in major towns.
Last week, four heavily armed men had stormed a hotel in Kismayu town where they killed over thirty people including Jubbaland presidential candidate.
Al-Shabaab claimed the responsibility of the heinous attack which several hours before Somali security forces concluded.

U.S. Africa Command to Conduct Change of Command July 26

$
0
0

U.S. Africa Command (AFRICOM) will conduct a change of command ceremony Friday, July 26 at 10 a.m. at Patch Barracks, Stuttgart, Germany.
U.S. Army Gen. Stephen J. Townsend will assume command from retiring U.S. Marine Corps Gen. Thomas D. Waldhauser.  The acting U.S. Secretary of Defense is scheduled to preside over the ceremony.
Townsend will be the fifth AFRICOM commander since the command was established in 2008.
Waldhauser will relinquish command and subsequently retire after a distinguished 43-year career serving in uniform.  A native of South St. Paul, Minn., Waldhauser graduated from Bemidji State University, Minn., and commissioned in 1976.
A career infantry officer, he has commanded at multiple levels, to include tours as the Battalion Landing Team Commander, 3rd Battalion, 2nd Marine Regiment; Commander, 15th Marine Expeditionary Unit (Special Operations Command); Commanding General, Marine Corps Warfighting Laboratory; Commanding General, 1st Marine Division; Commanding General, I Marine Expeditionary Force; and Commanding General, U.S. Marine Corps Forces Central Command.
Townsend previously served as the commanding general of U.S. Army Training and Doctrine Command since March 2, 2018.  Raised in an Army family, he commissioned as an infantry officer upon graduating from North Georgia College in 1982.
Townsend has led and commanded troops at every echelon from platoon to corps and combined joint task force, to include leading all U.S. and multi-national forces fighting the Islamic State in Iraq and Syria as the Commander, Combined Joint Task Force – Operation Inherent Resolve.
U.S. Africa Command is one of six U.S. Department of Defense geographic combatant commands. The command is responsible for all U.S. military operations, exercises, security cooperation, and conducts crisis response on the African continent in order to advance U.S. interests and promote regional security, stability, and prosperity.

Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle

Wasiir Cawad oo qaabilay Wafdi ka socda Midowga Afrika

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho Wafdi ka socda Kooxda sare ee fulinta ee Ururka Midowga Afrika (AUHIP) oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki.
Sida Jadwalku yahay, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” iyo Ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa si kala gaar gaar ah waxa ay u kala qaabili doonaan wafdiga.
Booqashada wafdiga Midowga Afrika oo qaadan doonta muddo labo cisho ah (Luulyo 20-22), ayaa waxa ay kulamo wadatashi ah la yeelan doonaan bulshada rayidka Soomaaliyeed, IGAD, AMISOM iyo UNSOM.
Halkan hoose daawo Sawirrada:

Axmed Madoobe oo qaatay shahaadada Musharraxnimo

$
0
0

Muqdisho (SMN)–  Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta isdiiwaan geliyey, isagoona qaatay Shahaadada Musharraxnimada Madaxweynaha maamulkaasi.
Axmed Madoobe oo Wariyeyaasha kula hadlay xarunta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay inuu maray hannaanka sharciga ah ee doorashada Jubbaland.
Wuxuu ka dalbaday Musharraxiinta inay maraan waddadaasi, islamarkaana ay joojiyaan eedeynta iyo hadallada fowdada abuurayo.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in isaga iyo Musharraxiinta kale ay u siman yihiin guddiga doorashada, loona baahan yahay inay is dajiyaan.
Isdiiwaangelina doorashada Jubbaland ayaa maanta oo Sabti ah ku ah eg, sida ay horay u shaaciyeen guddiga doorashada , hayeeshii waxaan weli is diiwaan gelinin inta badan Musharraxiinta u taagan hoggaanka sare ee maamulkaasi.
Arrintan ayaa loo sababeynayaa kalsooni la’aan ay Musharraxiinta ku qabaan xubnaha guddiga qaban qabaabada doorashada, kuwaas oo ku eedeeyey inay u adeegayaan kaliya Madaxweynaha hadda talada haya ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa doonaya in markii saddexaad loo doorto xilkan, balse waxaa jira loolan adag iyo cadaadis uga imaanaya dhinaca dowladda Soomaaliya.
Doorashada ayaa la filayaa inay dhacdo bisha soo socoto ee Augusto, iyadoo qaban qaabadeeda laga dareemayo M/ Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:
https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/2-107-300x251.jpg 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/2-107-768x643.jpg 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/2-107-696x583.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/2-107-501x420.jpg 501w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-116-300x200.jpg 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-116-768x512.jpg 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-116-696x464.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/1-116-630x420.jpg 630w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-99-300x260.jpg 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-99-768x666.jpg 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-99-534x462.jpg 534w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-99-696x603.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/3-99-485x420.jpg 485w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" /> https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/4-89-300x279.jpg 300w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/4-89-768x715.jpg 768w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/4-89-696x648.jpg 696w, https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/4-89-451x420.jpg 451w" sizes="(max-width: 960px) 100vw, 960px" />


Farmaajo oo dalbaday sii deynta xubno u xiran Puntland

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la xiriiray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.
Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in xubnahaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.
DHAMMAAD

Hoggaanka taliska AFRICOM oo isbedel lagu sameeyey

$
0
0

New York (SMN)– Dowladda Mareykanka ayaa Gen. Stephen Townsend us oo magacawday taliyaha ciidamada ka jooga qaaradda Africa ee loo yaqaano AFRICOM.
Gen. Stephen ayaa bedelaya Gen. Thomas Waldhauser oo howlgab noqday kadib 48 sano oo uu u soo shaqeynayay militeriga Mareykanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay AFRCICOM.
Taliyaha cusub ayaa noqonaya midkii 5aad oo AFRICOM yeelato tan iyo markii la aas-aasay 2008.
Ku simaha Wasiirka difaaca Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo munaasabada xilka ay ku kala wareegi doonaan labada taliye, taasoo ka dhacaysa 26-ka bishaan dalka Jarmalka.
AFRICOM ayaa ku lug leh dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyadooa diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo joogto ah ka fuliyeen gudaha Soomaaliya kuwaas oo qaarkooda dad badan oo shacab ah lagu dilay.

50 sano ayaa ka soo wareegatay markii ugu horeeysey ee dayaxa la tago

$
0
0

Konton sano ka hor, maalin Sabti ah, cir bixiyeennada Mareykanka ah ee Neil Armstrong iyo Buzz Aldrin ayaa noqdey bini’aadamkii ugu horreeyay ee cagta saara dayaxa, dhacdo Tv-yada ay ka daawanayeen ku dhawaad nus bilyan oo qof.

Britain oo maraakiibteeda uga digtay marinka Hormuz

$
0
0

Maraakiibta Britian ayaa looga digey inay u dhawaadaan marinka Hormuz muddo kumeel gaar ah, kadib markii markab saliidda qaada oo Ingiriisku  leeyahay ay qabsadeen ciidamada ilaalada kacaanka ee Iran.

Waa maxay sababta shimbiraha ay u kordhiyeen weerarka ay bini'aadanka u geystaan?

$
0
0

Khubarada arrimaha shimbiraha ku xeel dheer ayaa sheegay "iney kor u kaceen" shimbiraha weerarrada ay u geystaan dadka daawashada shimbiraha xiiseeya.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live