Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Aqalka sare oo ka dooday sharciga mihnadlayaasha Caafimaadka

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ka dooday  Ajendaha shirkooda oo ahaa  Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).
Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad  ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator;  Cabdi Xaashi Cabdullahi.
Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka,  Senator Axmed Macalim Cumar Axmed (Nadiir) ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray  hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).
Senator, Dr;  Osman Mohamud Dufle oo  xubin ka ah Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arrimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax kabadalka lagu sameeyay
Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Senatar ,ayadoo ay xildhibaannada Aqalka sare qaarkood soo jeediyeen talooyinkooda ku aaddan hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka (GMCQ)”, waxaana muddo aan la cayimin loo ballamay ka doodista hindise sharciyeedkan.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:


Pakistan: Nidaamka Waxbarashada oo wax laga baddalayo

$
0
0

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay in dowladda iyo Golaha Culumada Diinta ee dalkaasi ay ku raaceen in isbeddel lagu sameeyo dugsiyada iyo xarumaha lagu barto diinta Islamka, si ay ula jaan qaadaan waxbarashada casriga ah.

Madaafiic ku dhacday guri ku yaala Garbahaarey

$
0
0

Garbahaarey (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic maanta laga maqlay magaaladda Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Aadan Siraad, gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ahna ku simaha gudoomiyaha, ayaa hoobiyeyaashaasi ku eedeeyay Al-Shabaab.
Mr Siraad oo shaaca ka qaaday in guriga ay ku dhaceen madaafiicdaasi oo ku yaala duleedka magaaladda ay deganaayeen dad shacab ah.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu daboolka ka qaadey in dadka wax ku noqday oo gaaraya saddex ruux ay gebigooda yihiin rayid.
Ma uusan kala caddeyn hadii rayidka wax ku noqday ay ku jiraan caruur goobta ay wax ka dhaceen ka akdhoweyd.
Dhinaca kale, Al-Shabaab illaa iyo haatan kama aysan jawaabin eedeynta uga yimid mas’uuliyiinta gobolkaasi.

Ciidamada dahabka ee talada Suudaan gacanta ku haya

$
0
0

Ciidamada RSF ee dowladda Suudaan oo loo yaqaanno jaanjaawid ayaa lagu eedeeyaa xadgudubyada baahsan ee ka dhacay Gobolka Daarfuur

Caanaha dabiiciga ah oo laga jecel yahay kuwa aan dabiiciga ahayn

$
0
0

Dalka Ingiriiska ayaa si weyn looga isticmaalaa caanaha aan dabiciga ahayn.

Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle

Murashaxiinta Jubbaland oo la siiyey waqti dheeraad ah

$
0
0

Kismaayo (SMN) – Guddiga Doorashadda Jubbaland ayaa wuxuu shaaciyey in uu kordhiyey muddada ay horey ugu qabteen in ay isku soo diiwaan-geliyaan murashaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamul goboleedkaasi.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

MD Farmaajo oo qaabilay wafdiga Midowga Afrika

$
0
0

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socda Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD oo uu hoggaaminayey Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki.
Ujeedka safarka wafdigan ayaa ku saleysan qiimeynta xaaladda amni iyo dhaqaale ee dalka, iyaga oo ku guda jira diyaarinta cilmi baaris ku saabsan iskaashiga Amniga iyo isdhax galka dhaqaale ee Dalalka kulaala Badda Cas iyo gacanka Cadmeed.
Madaxweyne Thabo Mbeki iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyey Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka wanaagsan ee loo fidiyey, iyagoona bogaadiyey dadaallada dib u heshiisiineed ee laga wado dalka, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka dhanka siyaasadda.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay wafdigan dadaalladda ay ka qeyb qadanayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, kobcinta iskaashiga dhaqaale iyo xal u helista caqabadaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika.
Booqashada wafdigan ayaa qaadaneysa muddo labo maalmood ah, waxa ayna kulammo la qaadan doonaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda iyo xeeldheerayaasha Soomaaliyeed ee arrimaha amniga iyo siyaasadda.
Kulankan waxaa goob joog ahaa Raiisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Wasiirro katirsan Xukuumadda, Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mudane James Swan iyo Lataliyeyaasha Madaxweynaha.


Hooya wiilkeeda heshay 43 sano kaddib

$
0
0

Hooyada waxay wiilkeeda ka heshay dalka sweden hadana hooyada iyo wiilkeeda isma afgaranayaan.

Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle

Xaaladda dhabta ah ee xabsiga lagu xiro basaasiinta iyo argagixisada dalka Mareykanka

$
0
0

Supermax waa xabsiga ugu xun ee lagu xiro dadka dilka iyo xabsi daa'inka ku xukuman dalka Mareykanka, gaar ahaan argagixisada iyo basaasiinta.

Romelu Lukaku: Man United oo diidday £54m oo ay Inter Milan u soo bandhigtay

$
0
0

Kooxda Manchester United ayaa diidday 60m euro (£53.9m) oo kooxda Inter Milan ay ku doonaysay inay kula wareegto weeraryahanka kooxdaasi Romelu Lukaku.

Donad Trump oo xeelad horleh u dagay qulqulka muhaajiriinta

$
0
0

Muhaajiriinta ku qulqulaya Mareykanka ayaa intooda badan ka yimaada dalalka bartamaha Amerika oo ay ka mid yihiin Honduras iyo El Salvador, kuwaas oo haatan xaaladooda aysan daganeyn

Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle

Khayre Oo la kulmay Guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug kula kulmay guddiga qaban-qaabada Shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ay dhawaan magacaawday wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.
Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka ganansiga, xildhibaanno labada gole ka tirsan, iyo madaxa fulinta Galmudug, ayaa looga hadlay shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dardar gelinta shaqada guddiga u taalla iyo ka mira dhalinta dadaallada leesugu keenayo dhammaan reer Galmudug si ay uga tashadaan aayaha iyo dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga xasuusiyay shaqada adag ee loo igmaday in ay qabtaan, waxa uuna faray in sida ugu habboon, ugu dhaqsaha badan ugu daacadsan ay uga shaqeeyaan isu-keenidda bulshada, si gogosha Dhuusamareeb taalla ay uga soo baxdo natiijo farxad gelisa reer Galmudug iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, ayna Galmudug uga dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa siyaasiyiinta iyo dhammaan bulshada reer Galmudug ugu baaqay in guddiga ay kala shaqeeyaan gudashada mas’uuliyadda ka saaran shir-weynaha dib-u-heshiisiinta
Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafiga uu hoggaaminayo ayaa mudda hal bil ku dhaw waxa ay Galmudug u joogaan dhismaha Galmudug sal adag oo ka shaqeysa danaha reer Galmudug, kana qayb qaadata horumarka dalka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:


Howlgallo ballaaran oo saaka ka socda Garbahaarey + Dhageyso

$
0
0

Garbahaarey (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka howlgallo ballaaran ay ka socdaan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolkaasi.
Howlgallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa si wadajir ah isaga kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka howlgala halkaasi.
Ku simaha guddoomiyaha Garbahaarey, ahna Gudoomiye ku xigeenka degmadaasi Aadan Siraad oo u warramay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyay baaritaanadaasi.
Siraad ayaa sheegay in u jeedka howlgalladu ay yihiin, sidii looga hortagi lahaa weerarada ay inta badan Al-Shabaab ka fuliyaan guud ahaan gobolka Gedo.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-garbaharey-.mp3

Milateriga Fransiiska oo soo bandhigay qalab casri ah oo dunida ka yaabiyay

$
0
0

Madaxweynaha Fransiiska ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanahay ciidankiisa iyo qaabka casriga ah ee ay wax u hindisaan

كل الشعوب لها أمجادها.. 

Lafta Gareen oo kulan la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya

$
0
0

Baydhabo (SMN)– Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur  Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Shalay Xafiiskiisa Baydhabo ku qaabbilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda Qatar, Xasan Binu Xamza.
Wafdiga ka socday Qatar waxay booqasho ku mareen goobo badan oo ka mid ah Magaalada Baydhabo iyo xarumo kale oo ay ka fulinayaan dhowaan mashaariic kala duwan, waxaana kamid ah Iskuul, Gegida Diyaaradaha ee Shaati-gaduud iyo Madaxtooyada maamulka Koofur Galbeed.
Dowladda aynu Walaalaha nahay ee Qatar iyo hay’adaheeda samafalka ayaa Gacan ballaaran ka geysatay dib usoo kabashada Soomaaliya , iyagoo sidoo kale door wanaagsan ka qaatay Qalabeynta Ciidamada kala duwan ee Dalka.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

معارج البيان القرآني (11)

$
0
0

إنه البيان المحكم البديع، يضع مقاييس البيان وفق مقامات الكلام بدقة محكمة في منتهى الإحكام ..! تستوقفنا آيتان ورد السؤال عنهما فكان هذا البيان .. (يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تُبْطِلُوا صَدَقَاتِكُمْ بِالْمَنِّ وَالْأَذَىٰ كَالَّذِي يُنْفِقُ مَالَهُ رِئَاءَ النَّاسِ وَلَا يُؤْمِنُ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ ۖ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِ صَفْوَانٍ عَلَيْهِ تُرَابٌ فَأَصَابَهُ وَابِلٌ فَتَرَكَهُ صَلْدًا ۖ […]
The post معارج البيان القرآني (11) appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>