Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 47025 articles
Browse latest View live

Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle


Daadadka ku dhuftay koonfurta Aasiya oo loo aaneynayo isfahan la'aanta India iyo Nepal

$
0
0

Marka ay timaado kheyraadka biyaha, xiriirka u dhexeeya waddamada India iyo Nepal ayaanan ahayn mid wanaagsan.

Dibadbaxyada Hong Kong: Burcad hubaysan oo weerrartay xarunta tareenka ee Yuen Long

$
0
0

Burcad hubaysan ayaa waxa ay weerrareen dad ka safrayay xarun tareen oo Hong Kong ku taal, halkaas oo ay ku dhaawaceen 45 qof, kaddib dibadbaxyo markale magaaladaas ka dhacay.

Shirkadda Lufthansa oo Joojisay Duulimaadyadeedii Qaahira

$
0
0

Shirkadda diyaaradaha dalka Germany ee Lufthansa ayaa Axaddii shalay joojisay duulimaadyadii diyaaraddaasi ku tagaysay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar

Wareysi Xaliimo Yareey

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheeekh Cabdiraxmaan ayaa shalay magacaabay Guddi ka kooban 15 xubnood oo ku meelgaar ah oo soo diyaariya sharciga doorashada.

Dhageyso: Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle

Farmaajo oo la kulmay xubnaha ka socda M/Africa

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casho sharaf lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynaha oo wafdigan uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha ay doonayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan ayaa tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka.
“Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.”
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.
Dhankiisa, Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika, haatanna ah Madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Mudane Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalkeenna iyo maqaamkii aynu ku lahayn Qaaradda Afrika iyo caalamka, isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.
“Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.”
Munaasabadda casho sharafta oo ahayd mid si heersare ah loo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

"Qarsoodi ayaan ku kala wadday ganacsigeyga malaayiinta doolar ku fadhiya"

$
0
0

Maanta shirkadiisa waxa ay ku fadhidaa adduun dhan $126 , waxayna leedahay malaayiin macaamiil ah adduunka oo dhan.


Puntland oo Sheekh caan ah ku xirtay magaalada Boosaaso

$
0
0

Boosaaso (SMN)– Ciidamada  ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga dhismaha waddada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Guddoomiyaha ayaa la sheegay in loo soo xiray arrin ku aadan inuu ka biyo diiday dib u celinta lacag ay dowladda federaalka ku bixisay dhismaha Waddadaasi. Boosaaso.
Puntland ayaa sidoo kale Khamiistii la soo dhaafay xirtay xubno ka tirsanaa guddiga dhismaha Waddada Boosaaso.
Arrintan ayaa salka ku heysa, kadib markii dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xubnaha guddigaasi ay ka guddoomeen lacag ay xukuumadda federaalka Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso dhismaha ka socdo waddada Boosaaso.
Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xariga xubnahaasi ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in la sii daayo, islamarkaana uu dib loogu soo celiyo Xorriyadooda, balse weli kama aysan jawaabin baaqaasi madaxda sare ee Puntland.

Wufuud caalami ah oo ku wajahan Dhuusamareeb

$
0
0

Dhuusamareeb (SMN)– Xubno kala duwan oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Sida aan wararka ku helnay wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo IGAD ayaa saacadaha soo socda tegi doono magaaladaasi.
Sidoo kale waxaa ka mid ah wafdiga tagaya halkaasi xubno ka socda dalalka Mareykanka,, Talyaaniga Sweden, Jarmalka, Turkiga, Jabuuti iyo wadama kale.
Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdigani laga dareemayo halkaasi.
Ujeedada safarka wafdigan ka socda beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay la xariirto, sidii ay ugu qeyb qadan lahaayeen dib u dhiska  maamulka Galmudug.
Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaataan madaxda maamulkaasi iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

Maamulka Garbahaarey oo soo saaray digniin culus

$
0
0

Garbahaarey (SMN)– Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa diniin u diray dadka u hoggaansama amarada ka soo baxa Al-Shabaab.
Siraad ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali in awaamiirta Al-Shabaab ay ka shaqeeyaan degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Gedo.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cidkasta oo la macaamisha ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan Al-Shabaab ay digniin u direen Ergada soo dooratay Xildhibaanada BFS, una qabtay muddo 45 cisho in ay ku yimaadaan deegaanad ar ka arrimyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Gedo-1.mp3

Dhageyso: Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle

Faah faahin: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (SMN)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay afaafka hore bar koontarool oo ku taalla waddada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay halkaasi.
In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, kuwaas oo isugu jira shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xilliga uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay aheyd mid aad u mashquul badan, waxaana baaritaan dheer uu ka socday koontarool ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dab ka dhashay qaraxa ayaa qabsaday Kaalin Shidaal iyo dhismayaal u badan ganacsi, kuwaas oo uu bur bur xoogan ka soo gaaray weerarkaasi.
War ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si kooban looga hadlay qaraxaasi.
Qoraalkan oo ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed  ayaa lagu sheegay in gaariga qarxay uu ahaa Toyota Noah, islamarkaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
“Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayey Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint ku yaalla KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.” Ayaa lagu yiri warka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.
Al-Shabaab ayaa shaaciyey in bartilmaameedkoodu uu ahaa  koontaroolka ciidamada dowladda ay ku leeyihiin nawaaxiga Lambar Afar, islamarkaana ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Instagram oo meesha ka saareysa falcelin ay dadka jecel yihiin

$
0
0

Tirada dadka gujiya Like-ta waxay muujineysaa sida ay asxaabtaadan uga heleen wixii aad soo dhigtay.

100مليون فقير آخر عام 2030 بسبب تغير المناخ

$
0
0

يمثل تغير المناخ تهديداً حقيقياً للتنمية العالمية وللجهود الرامية إلى القضاء على الفقر. وبدون اتخاذ إجراءات عاجلة ، يمكن لآثار تغير المناخ أن تدفع 100 مليون شخص إضافي إلى الفقر بحلول عام 2030. وتعاني البلدان والمجتمعات المحلية في شتى أنحاء العالم بالفعل من زيادة وطأة التغيرات المناخية، والتي تشمل موجات الجفاف والفيضانات وتسارع وتيرة الكوارث الطبيعية وشدتها، واستمرار ارتفاع مستويات سطح البحر، والفئات الأشد فقراً وضعفاً هي الأكثر تضرراً في كل مرة. ومع كل عام يمر، تتصاعد مخاطر تغير المناخ دون هوادة.
The post 100مليون فقير آخر عام 2030 بسبب تغير المناخ appeared first on IslamOnline اسلام اون لاين.


Muqdisho: Qarax dad badan ay ku dhinteen

$
0
0

Ugu yarana 17 qof ayaa ku dhimatay, 28 kalena way ku dhaawacmeen qarax xooggan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

$
0
0

Jamaame (SMN)– Howlgallo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen saddex qof oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.
Taliyaha guutada 11-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Xasan Badal oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Saddexdaan qof ay saarnaayeen gaari BL ah oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.
Taliyaha ayaa tilmaamay in ay heleen xog ku aadan saddexdaan qof ee la tuhmaayo inay ka tirsanm yihiin Al-Shabaab, kadibna ay gaariga kala degeen.
Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay in raggani ay la soo qabteen qalab ay wateen, ayna ku wareejiyeen laamaha amniga si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.
Ciidamad dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe sare u qaaday dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaliya.

Puntland oo beenisay in dad kale ay xir xireyso

$
0
0

Gaalkacyo (SMN)– Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyey in Puntland ay amar ku bixisay in la soo xiro  xubnaha gudiga dhismaha ka wada garoonka kubadda cagta Cawaale oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.
Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in baaritaano ay ku socdaan guddigaas oo dhawaan lacag kala wareegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasal Cali Khayre.
Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in ciidamo dheeraad ah la geeyey gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Axmed Muuse Nuur ayaa intaasi ku daray in warkani ay faafiyeen dad yar oo dano gaar ah ka leh arrintaasi.
Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dowlad goboleedkaa Puntland ay xabsiga dhigtay xubno uu ku jiro guddoomiyaha guddiga dhismaha Waddada Boosaaso oo dhawaan lacag kala wareegay dowladd federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xariga xubnahaasi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi (Deni) in si deg deg ah loo sii daayo dadkaasi, inkastoo illaa hadda aysan Puntland jawaabin ka bixin baaqaasi.
Dhiacakale Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa maanta isku geedaamay dhismaha bankiga iyo xarumo kale oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Ciidamadani oo ahaa kuwa  goodsan ayaa ka cabanayay Mushaar la’aan heysata in muddo ah.
Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamada hadda laga qaaday halkaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka deegaanka.
Cabashada ciidankaPuntland ayaa soo jiitameysay, tan iyo xukuumadii Gaas, kuwaas oo marar badan gadood ka sameeyey deegaanada maamulkaasi.

Khayre oo safiiro kula kulmay Dhuusamareeb + Sawirro

$
0
0

Dhuusamareeb (SMN)– Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay safiirrada dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ee saldhiggoodu yahay magaalada Muqdisho iyo wakiillada hey’adaha caalamiga oo maanta magaalada soo gaaray.
Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay dadaallada uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka ka yahay ee lagu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo qeyb ka qaadata horumarinta dalka iyo ka guul gaaridda himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.
Mas’uuliyiinta kulanka ka qayb galay ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalladiisa dhismaha hey’adaha Galmudug, qarameynta ciidamada deegaanka iyo isu diyaarinta xoreynta deegaannada argagaxisadu uga sugan tahay Galmudug.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubna ka tiran xukuumadda oo ay kamid yihiin wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga iyo sidoo kale madaxa fulinta dowlad gobaleedka Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha oo mas’uuliyiinta kulanka uu la qaatay uga warbixiyay heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug, ayaa ka codsaday in ay laba jibbaaraan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya si  guul wax ku ool ah looga gaaro dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug.
Mas’uuliyiinta beesha caalamaka ee  Ra’iisul Wasaaraha kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa wakiillada Qarmada Midoobay, Midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirada Midawga Yurub, Qatar, Turky, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa maalintii 29-aad deegaannada Galmudug ugu sugan dhismaha Galmudug sal adag, loo dhan yahay oo xariir dhawna la leh dowladda federaalka Soomaaliya.
Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Cabidda caanaha laga sameeyo dhirta oo soo caanbaxeysa

$
0
0

Dadka ugu badan ee ka fogaanaya caanahan xoolaha waxay da'dooda u dhaxeysaa 16-24 sano.

Viewing all 47025 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>