Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Taliska Amisom oo sheegay inay bilaabi doonaan wajigii labaad ee howl galada ka dhanka ah Shabaab

$
0
0

Taliska Ciidamada Amisom ayaa sheegay inay bilaabi doonaan wajigii labaad howl galada ka dhanka ah Shabaab, kadib markii uu soo gaba gaboobay wajigii koowaad ee howl galada.
Afhayeenka Ciidamada Amisom Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay in howl galada hada ay maraan meel dhexe, isla markaana ciidamada Amisom dhowaan qaadi doonaan howl galo cusub.
“Howl galka koowaad waa uu soo gaba gaboobay, howlka labaad ayaa dhowaan bilaabi doonaa, waxaana ku xoreyneynaa deegaano badan”ayuu yiri Afhayeenka Amisom.
Waxaa uu sheegay in qorshahooda yahay sidii deegaanada koofurta iyo bartamaha ay isugu fidin lahaayeen, si Al-Shabaab awoodooda u wiiqaan.
“Taargetkeena koowaad waxaa uu yahay sidii magaalooyinka istiraatiijiga ah, sida Marka, Baraawe iyo Kismaayo ayaa u qabsan laheyn”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xaamud.
Ciidamada Amisom oo taageeraya kuwa dowladda ayaa dhowaan la wareegay Balcad iyo Afgooye, iyadoo ay aheyd degmooyinkii u horeeyay oo meel ka baxsan Muqdisho ay tagaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 47025

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>